Heemaal News Network

Sisi Iyo Afewerki Oo Isku Raacay In Ay Difaacaan Madaxbanaanida Soomaaliya

Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah El-Sisi, ayaa la kulmay dhiggiisa Eritrea, Isaias Afwerki, iyagoo kawada hadlay madax-bannaanida Soomaaliya iyo xasilloonida gobolka.

Hoggaamiyayaasha labada dal, ayaa intii ay ku guda jireen kulankooda rasmiga ah, waxay hoosta kaga xariiqeen baahida degdega ah ee loo qabo in la ixtiraamo madax bannaanida Soomaaliya, iyagoo tilmaamay in ay tiir-dhexaad u tahay nabadda Geeska Afrika.

Kulanka ayaa lagu xusay in Masar iyo Eritrea ay ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, iyo amniga.

Si kastaba ha ahaatee, madax bannaanida Soomaaliya ayaa ahayd qodob muhiim ah, iyadoo labada Madaxweyne El-Sisi iyo Afwerki ay isla garteen muhiimadda ay leedahay in laga taageero Soomaaliya si looga hortago wax kaste oo wax u dhimaya gobanimadeeda.

Masar iyo Ereteriya waxa ay hoosta ka xarriiqayaan sida ay uga go’an tahay in ay kaalin wax ku ool ah ka qaataan nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika .

Xiisada Geeska Afrika ayaa cirka isku sii shareertay ka dib markii ay Somaliland bishii January ogolaatay inay 20 KM oo xeebta ah muddo 50 sannadood ah ka kirayso Addis Ababa, taas oo doonaysa inay ka samaysato saldhig ciidan iyo deked ganacsi.

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid heshiiskaas, iyadoo ku tilmaamtay mid xad gudub ku ah jiritaanka Soomaaliya.

Dowladdu waxay sheegtay inay iska caabin doonto isku dayga Ethiopia ay ku doonayso inay ku qaadato qeyb kamid ah badda Soomaaliya.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Dowladda Federaalka Oo Amartay in la Xiro Qunsuliyadaha Itoobiya Ee Garowe iyo Hargeysa

Heemaaln

Raysal Wasaare Xamse Oo Magacaabay Xubno kamid ah Golihiisa wasiirrada

Heemaaln

Magacyada Saraakiil Imaaraadka ah Oo Lagu Dilay Muqdisho Oo la Shaaciyay

Heemaaln