Heemaal News Network

Somaliland Oo Sheegtay In Wal-walsan-tahay soo Furashada Maxaabiista Laascaanood Uga Xiran

War culus!
Wararka ka imaanaya maamulka Hargeisa ayaa sheegaya in walwalka ugu badan ee haystaa uu yahay maxaabiista uga xidhan xabsiyada Laascaanood.

Shirarkii u danbeeyay waxaa lagu gorfeeyay qaabab badan oo lagu soo dayn karo nimankaas xidhan:

1. In la diyaariyo dad Laascaanood dhex jooga oo si toos ah ula shaqeeya maamulkooda warkana soo gudbiya.

2. ⁠In la soo ogaado askarta ilaalisa xabsiyada maxaabiistu ku xidhantahay heshiis lacageed oo aad u badana lala galo.

3. ⁠In lacagaha askarta la siinayo loo gudbiyo basaasiinta si ay deg deg ugu qaybiyaan lacagtaas.

4. ⁠In basaasiintu ku dhex milanto meel walba oo maamulku ka jiro iskuna dayaan inay xilal helaan ayna faafiyaan barobogaando si shaki loo kala galiyo ciidanka SSC ee jiidda jooga.

5. ⁠In farsamadan dadkaas lagu furan karaa tahay in xabbad xabbad loo soo saaro.