Heemaal News Network

Somaliland Oo Sheegtay iney ka Hortagtay Diyaarado Isku Dhici rabay, kunaEedeysay DF

Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland ayaa mar kale sheegtay iney ka hortagtay dayuuado marayey hawada Somalia oo isku dhici rabay ka dib tilmaamo qaldan oo ay siisay heyadda duulista rayidka ee dowlada Somalia oo fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.

HOOS KA AKHRISO WAR SAXAAFADEED

Diyaarado isku dhici gaadhay mar labaad

Habeenimadii Axaddii March 24 2024, abbaaro 12:43 Afrikada Bari , ayaa diyaarad ay leedahay shirkadda Emirate Airways oo duulimaadkeedu ahaa UAE722 kuna duulaysay joog 37,000ft iyo diyaaradda Ethiopian Airlines oo duulimaadkeedu ahaa ETH690, kuna jirtay joog 37,000ft ayaa ku sigtay in ay isku dhacaan, ka dib markii Muqdisho Control ay labaddan diyaaradood siiyeen joog wakhti iyo goob isku mid ah oo ay labadda diyarood ku kulmayeen.

Daqiiqado yar ka hor wakhtiga ay isku dhici lahayeen, ayaa dedaal ay sameeyeen Somaliland Air Traffic Controllers ka iyo duuliyaha diyaaradda Ethiopian Airlines, ay sababtay in uu duuliyuhu si deg-deg u baddalay joogiisii, isla markaana uu koray jooga 39000ft.

Intaas oo kaliya maaha, waxa ay maamulayasha hawada ee Muqdisho (Mogadishu Controllors) si joogto ah u sameeyaan khaladaad kuwan la mid ah, kuwaas oo halis ku ah badqadbka diyaaradaha caalamiga ah.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si xirfad sare leh u maamulaysaa diyaaradaha ku duulaya hawadeeda iyada oo ku filan adeegga ay u baahan yihiin, iyada oo mar walba saxaysa khaladaadka ay samaynayso Muqdisho, khaladaadkaas oo horseedi kara masiibooyin aad u wayn.

Waxa aanu hay’addaha ay khususayso iyo dhammaan caaalamka la wadaagaynaa in is adkaynta iyo aqoon darrada ka muuqada Towerka Muqdisho ay khatar ku tahay badqabka hawada.

Waxa aad halkan ka dhagaysan kartaa Controller -kii Muqdisho oo canaan iyo eedayn ku wajahan duuliyihii jeedinaya, isaga oo leh maxaad cid kale amarka uga qaadatay.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

DHACDO NAXDIN LEH:-Nin Saaxiibkiis ay muddo qol wada daganaayeen oo ku dilay Masaar.

Heemaaln

“Guryahaa Loogu Daatay Oo waa la Jir-dilay Dhalinyaradii Gobolka Awdal.” Gudoomiye Fadxidiin.

Heemaal

Shacabka Muqdisho Oo ka Hadlay In Dowladda Turkiga Lagu Wareejiyo Badda Somaaliya

Heemaaln