Heemaal News Network

Markab xamuul Oo si Fool xun u jiiray Buundo ku Taalla Mareykanka.(Sawirro)

Buundo weyn oo ku taalay dekedda magaalada Baltimore ee gobolka Maryland ee dalka Maraykanka ayaa subaxnimadii hore ee saaka duntay, kadib markii uu jiiray Markab kuwa koonteenarada qaada ah.

Markab dhererkiisu yahay 948 cagood ayaa mugdi ku galay buundada afarta haad ee dekedda Baltimore ee dalka Maraykanka subaxnimadii saaka, taasoo keentay inuu soo dumo oo uu daadiyo baabuur iyo dad.

Waxaa lagu warramayaa in gawaari iyo illaa labaatan qof ay ku dhaceen biyaha buundadaasi hoos mara.

Markabkan ayaa markii uu ka soo ambabaxayay dekadda “waxa uu lumiyey kontrolka”, shaqaalihii la socdayna waxa ay ku wargeliyeen mas’uuliyiinta gobolka Maryland in ay lumiyeen kontoroolka markabka, sida ay sheegtay ABC News.

Isu socodka dadka iyo gaadiidka ayaa la hakiyay Dekedda Baltimore ilaa amar dambe sida uu sheegay maamulka gaadiidka ee gobolka Maryland. Waa dekedda ugu mashquulka badan Maraykanka ee shixnadaha baabuurta, iyadoo in ka badan 750,000 baabuur laga dejiyey sanadkii 2022.

Xiritaanka mid ka mid ah dekedaha waaweyn ee Xeebta Bari ee Maraykanka ayaa carqaladayn doonto saadka ka imanaya baabuurta, dhuxusha iyo badeecadaha kale sida sonkorta. Waxay abuuri kartaa caqabado waxayna kordhin kartaa dib u dhac iyo kharashyada badda ee Waqooyi-bar.

Markabkan ayaa magaciisa lagu sheegay Dali, waxaana iska leh shirkadda Grace Ocean Pte Ltd, ayna maamusho shirkadda Synergy Marine Corp. mana jiraan wax dhaawac ah oo ka dhashay.

Duqa magaalada Baltimore Brandon Scott ayaa yiri “Waxay ahayd wax ka baxsan filim ficil ah. Waxay ahayd wax aanad waligaa u malayn inaad arki doonto,”

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Dagaalka Gaza Oo Laga Cabsi Qabo inuu Galaafto Mustaqbalka Madaxweyne Biden

Heemaaln

Biden Oo Cambaareeyey Duqeyn Isra’il la Beegsatay Shaqaale Gargaar Oo Caalami ah

Heemaaln

Nin Mareykanka ku Dilay Laba sanno ka Hor Sheekh Maxamed Xasan Oo Lagu Xukumay 78 sanno

Heemaaln