Heemaal News Network

Somaliland Oo War Adag kasoo Saartay Heshiiska Xasan Sheekh la Galay Masar

Xukuumadda Somaliland ayaa Sheegtay in ay si Adag uga soo horjeedo faro-gelin kasta oo dibadeed oo ku wajahan Iskaashiga ay la saxeexatay Itoobiya.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay galabta Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland. Waxana lagu caddeeyay inay Somaliland sii wadayso cilaaqaadka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka Afrika ee ay masaalixda wadaagaan.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo ka warqabta xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Masar, waxa aanu la soconaa walaaca ay Masar ka muujisay nabada Geeska Afrika. Waxa aanu dalalka qaarada Afrika oo dhan wadaagnaa masaalix guud oo ku wajahan nabadda iyo cilaaqaad midho-dhal ah.

Haddaba, Annagoo ka duulayna horumarka dhawaan soo kordhay, waxaanu mar kale ku celinaynaa inay Somaliand ka go’an tahay in xaaladaha ku soo kordhay gobolka Geeska Afrika lagu furdaamiyo wadahadal iyo iskaashi.

Hase yeeshee, Annagoo tixgelinayna heshiiska Is-afgaradka (MoU) ee ay wada saxeexdeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya, waxaanu rabnaa inaanu mar kale bayaamino inaanu si adag uga soo horjeedno faro-gelin kasta oo dibadeed.

Annagoo ah dal xor ah Jamhuuriyadda Somaliland waxay xushmaynaysaa dhammaan heshiisyada diblomaasiyadeed ee ku dhisan nidaamka caalamiga ah. Waxaannu ku guubaabinaynaa dhammaan dhinacyada danaynaya arrimahani inay diirrada saaraan waxyaabaha nacfiga u leh nabadda mandaqada iyo iskaashiga ku dhisan wax wada qabsiga.

Waxa kaloo aanu ku dhiirigelinaynaa Masar inay dib u qaabayso dedaalladeeda diblomaasiyadeed iyo qulqulatooyinka ka dhexeeya dalalka ay deriska yihiin ee ay kala ah; Suudaan, Liibiya, iyo Qasa oo la daalaa-dhacaya caqabado waaweyn oo aanu aaminsan nahay in Masar ay ka qaadan karto door weyn oo dhalin kara nabad iyo xasilooni.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay sii wadaysaa wadahadallada cilaaqaadka diblomaasiyadeed iyo iskaashi ee ka dhexeeya dhammaan dalalka, si ay kor loogu qaado nabada iyo horumarka Geeska Afrika. Waxaanu rumaysan nahay in xoojinta iskaashigu uu si weyn u hagaajin doono nabadgelyada guud, kaasi oo horseedaya mustaqbal barwaaqo ah si ay uga faa’iidaystaan bulshooyinka isku xidhani.

Waxa aanu fahamsan nahay aragtida Masar ee nuxurka cilaaqaadka gobolka, iyadoo aanu qabno in dedaallada wadajirka ahi ay saamayn ku yeelan doonaan badhaadhaha gobolka.

Xukuumadda Somaliland waxay rajaynaysaa in la joogteeyo wada shaqeyn waxtar leh oo ku dhisan is ixtiraam, si loo horumariyo danaha guud ee dalalka mandaqadu wadaagaan.”
Qore: Cumar Maxamed Faarax

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Beesha caalamka Oo ku Dhegan Qodobo ka mid ah Dastuurka & Xassan Sheekh Oo Talaabo Qaaday

Heemaaln

Ciidamo ka Hadlay Hadalo Uu Xabsiga Hargaysa kasoo Dhex Diray Askari Milatariya Oo Sheegtay..

Heemaaln

Maakhir state Oo Mar kale lagu Dhwaaqay “Waxu Noqon Doonaa Maamul aan dhib ku ahayn Puntland.” Xil.Dhoorre.

Heemaaln