Heemaal News Network

Cudur Halis ah Oo ka Dilaacay Gaza iyo Qaramada Midoobay Oo Digniin ka Bixisay

Caabuqa Cagaarshowga noociisa halista ah ee A ayaa ku batay magaalada Gaza sababtoo ah ciriiri, biyo nadiif ah oo aan jirin iyo nadaafad xumo sida ay sheegtay Hay’adda Gargaarka Qaramada Midoobay (UNRWA) iyadoo soo xiganeysa Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza.

UNRWA waxay sheegtay in kiisaska la tuhunsan yahay ay kordheen 16 jeer bishan Janaayo in ka badan dhammaan bishii Nofambar ee sannadkii hore.

“Kumanaan barakacayaal ah ayaa wadaaga musqulaha iyo meelaha qubeyska” ayaa lagu yiri qoraalka UNRWA.

Madaxa WHO ayaa usbuucii hore sheegay in 24 kiis oo Cagaarshowga A ah oo Gaza lagu xaqiijiyay xirmooyinka baaritaanka wuxuuna ka digay “xaaladaha nololeed ee ka baxsan bini’aadantinimada ay gacan ka geysanayaan faafitaanka cudurka.

“Awoodda lagu ogaan karo cudurrada ayaa weli ah mid xaddidan. Ma jiro shaybaar shaqaynaya. Awoodda wax ka qabashada ayaa sidoo kale ah mid xaddidan,” ayuu yiri Agaasimaha guud ee WHO Tedros Ghebreyesus.

Ilaa usbuucii hore, wax dhimasho ah lagama soo sheegin Gaza oo ka timid Cagaarshowga A, sida ay sheegtay WHO, laakiin dhowr kun oo qof oo cagaarshow qaba ayaa la diiwaangeliyay “waxaa loo maleynayaa inuu sidoo kale sabab u yahay Cagaarshowga A,” ayuu yiri Ghebreyusus.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Muhiimad intee leeg ayay naas nuujintu u leedahay Hooyada iyo Ilmaha ?

Heemaal

Midabka Kaadidaada Ka Ogow Caafimaadka Kalyahaaga.

Heemaal

Fiitamiinada Iyo Macdanta Jidhku Ka Helo Cunista Tufaaxa.

Heemaal