Heemaal News Network

Somaliya Oo si Adag Uga Hadashay Weerar Dad Badan Lagu Dilay Oo ka Dhacay Mascow

Warsaxafadeed kasoo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay weerar dad badan lagu dilay oo Xalay ka dhacay magaalada Moscow ee Caasimadda dalka Ruushka.

Weerarka ka dhacay Moscow ayaa lagu dilay dad gaaraya 60 ruux, waxaana ku dhaawacmay weerarka in ka badan 100 ruux oo kale oo ku sugnaa hoolka xafladaha ee Crocus City ee xaafadda Krasnogorsk ee duleedka waqooyi ee magaalada Moscow.

Warsaxafadeedka kasoo baxay Dowladda ayaa lagu sheegay in madaxweynaha dowladda Fedaraalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo shacabka Soomaaliyeed ay aad uga xun yihiin weerarkaasi, islamarkaana ay cambaareynayaan nooc kasta oo argagixiso ah.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu si adag u cambaaraynayaa weerarkii arxan darrada ahaa ee ka dhacay hoolka xafladaha ee Moscow. Madaxweynuhu wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dadka ku wax yeeloobay iyo qoysaskooda iyo guud ahaan dadka uu saameeyay” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka kasoo baxay Dowladda Soomaaliya.

Weerarkaan lagu laayay dadka badan ee ka dhacay dalkaasi Ruushka ayaa waxaa masuuliyadiisa sheegatay kooxda isku magacawday dowladda Islaamka ee ISIS, waxaana dableyda weerarka fulisay ka fulisay dhismaha Xaflada ka socotay ay soo xirteen dharka Militariga kuwaas oo furay rasaas xooggan, islamarkaana tuuray bam gacmeedyo kordhiyay khasaaraha ka dhashay weerarka.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Gudoomiye Xirsi Oo ka Hadlay Safarkii Uu Ku Yimid, una Hanjabay Madaxweyne Biixi.

Heemaaln

Gudomiye kuxigenki Hore Gobalka Nugaal Oo ka Hadlay Xaalad Amni-daro Oo ka Taagan Garoowe

Heemaaln

Puntland: “Xamar ma Midhi karto Xafiisyada Itoobiya Ee Garoowe iyo Hargeysa,Xasan-na Nama Xukumo.”

Heemaaln