Heemaal News Network

Soomaaliya: Ma Jirto Dhexdhexaadin Ilaa Itoobiya Ay Baabi’iso Heshiiska Badda Ee Ay La Gashay Somaliland.

Soomaaliya ayaa meesha ka saartay in Itoobiya in Itoobiya la dhexdhexaadiyo, haddii aysan Addis Ababa baabi’in heshiis muran badan dhaliyay oo dhinaca badda ah oo ay la gashay maamulka gooni isu taagga ah ee Somaliland.

“Ma jirto dhexaadin ah haddii aysan Itoobiya ka laaban Is-afgaradkii sharci darrada ahaa oo ay dib u xaqiijiso madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya,” ayay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ku sheegtay hadal lagu baahiyay baraha bulshada.

Labadan dal waxa ka dhexeeya xidhiidh duufaano iyo dagaal dhuleed, iyagoo laba dagaal ku dhex maray dabayaaqadii qarnigii 20-aad.

Xukuumadda Somaliland ayaa Khamiistii ku eedaysay Soomaaliya inay “si ula kac ah uga baxday dhammaan heshiisyadii lala galay Somaliland” oo ay ku jiraan arrimaha ammaanka iyo gelitaanka hawada.

Hadalkan ayaa yimid ka dib markii hay’adda duulista iyo hawada Soomaaliya ay sheegtay inay Arbacadii u diiday inay gasho diyaaradii Ethiopian Airlines ee ku soo socotay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Maalintii Khamiista, maamulka ayaa sidoo kale diiday in hawada Soomaaliya ay soo gasho diyaarad xamuul ah oo ka diiwaangashan dalka Thailand oo ka soo duushay magaalada Sharjah ee dalka Imaaraadka Carabta kuna socotay Hargeysa.

Golaha Nabadda iyo Dib-u-heshiisiinta ee Midowga Afrika, oo ah guddiga xallinta khilaafaadka, ayaa Arbacadii ku booriyay labada dal ee deriska ah “inay is-xakameeyaan, ay dejiyaan oo ay galaan wadahadal macno leh si loo helo xal nabadeed oo arrinta ah”.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Qaar kamid ah Aqoonyahanka Somaliya Oo ku Dhawaaqay inay u Taaganyihiin Difaaca Badda

Heemaal

War-murtiyeedkii Shirka Midowga Afrika Oo Looga Hadlay Xiisad Somaliya iyo Itoobiya

Heemaaln

Wasiir Xagaa: Naftayada Ayaan U Huraynaa Difaaca Badda

Heemaal