Heemaal News Network

Taliyaha Booliiska Somaliya Oo Caawa Hawl-gal Sameyay Ammar-na Siiyay Ciidanka Haramcad.(Sawirro)

Taliyaha Ccidanka booliska Somaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin iyo saraakiil la socotay ayaa caawa kormeer ku tagay xerada taliska u ah ciidanka Haramcad ee loogu magac-daray Gen Farxaan Qaroole.

Jeneraal Sulub ayaa warbixin ka dhageestay saraakiisha taliska u ah ciidanka Haramcad uu booqday, waxa ayna saraakiisha taliyaha uga warbixiyeen shaqada ay ciidanka u hayaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku dhaqan caasimadda Muqdisho.

Taliyaha ayaa uga mahad-celiyay ciidankan sida feejignaanta leh iyo turida leh oo ay u guteen waajibaadkii ka saaranaa sugidda amniga, waxa uuna ku ammaanay ciidanka doorka ay ka qaateen xasilinta caasimadda.

Ugu Dambeyn taliyaha ayaa amray ciidamada in ay ilaaliyaan anshaxa iyo xeerarka ciidanka, kana fogaadaan wax kasta oo wax u dhimi kara sharafta ciidamada, isaga oo sidoo kale amray in ay kahor tagaan dhagarta ay maleegayaan kooxaha cadawga ah.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Taliye Xigenka Ciidanka Xooga Dalka Oo si Adag Ugu Hanjabay Al-shabaab Iyo Itoobiya

Heemaaln

Aabbaha Dhalay Gabadhii Ninkeedu Gubay Oo Go’aan Adag ka Qaatay Waan-waan Lagu Cafinayo

Heemaaln

Barnaamij Caawa Lagu Qaban lahaa Boorama Oo Awood Lagu Joojiyey.

Heemaaln