Heemaal News Network

Taliye Su’aallo Laga Weediiyay Xaalada Maxaabiista ku Xiran Xabsiga Dhaxe Ee Muqdisho

Guddiga Gaarka ah ee Arrimaha Xabsiga Dhexe Xamar ee Golaha Shacabka BJFS. ayaa Maanta kulan kula yeeshay Xarunta Guddoonka iyo Gudiyada ee Villa Hargeysa Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Kulanka waxaa shir Guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Gaarka ah xil.Gen.Bashiir Cabdi Maxamed Ameerika.

Taliiyaha viidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa warbixin guud kasiiyay Guddiga Xaalada Maxaabiista Xabsiga Dhexe ee Xamar, asagoona aad ugu dheeraaday marxalada ay ku sugan yihiin Maxaabista kuwa xukuman iyo kuwa xukun sugayaasha ah Tirada Maxaabiista kujira Xabsiga iyo guud ahaan xaalada Xabsiga Dhexe ee Xamar

Waxuu sidoo kale sheegay inay jiraan caqabado u baahan in laga taageero sida daryeelka Caafimàadka maxaabista iyo wax-baridooda Sidoo kale laga saacido inay helaan Gaadiid iyo meesha lagu xiro Maxaabiista oo aad yar ayna ubaahan yihiin balaarin.

Intaasi kadib xubnaha guddiga ayaa Su’aalo la xariira xaalada maxaabista iyo Xabsiga dhexe ee xamar weydiya Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Mudane Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Waxa uuna taliyaha Ciidanka asluubta uu mid mid ugu jawaabay Guud ahaan Su.aalihii la weydiiyay.

Ugu dambeyn Xil.Gudd. Bashiir Cabdi Maxamed.ayaa uga mahadceliyay Taliyaha iyo Mas’uuliyiintii la socday sida wanaagsan ay usoo ajiibeyn kulanka Asagoona sheegay inay xoojin doonaan Wadashaqeynta iyo dardar gelinta howlaha Baaxada leh ee horyaala Guddiga Gaarka ah ee Arrimaha Xabsiga Dhexe ee Xamar ay si wanaagsan uwada shaqeyn doonaan.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Ganacsato Reer Finland ah Oo Maalgashi Nooc Cusub ah Muqdisho ka Sameynaya.(Sawiro)

Heemaaln

Madaxwayne Xasan Oo Tacsiyeeyay Saraakiisha Imaaraadka Ee Lagu Dilay Muqdisho

Heemaaln

Macallin loo Dilay Arday Uu ku Canaantay Gudaha Iskuul ku Yaala Muqdisho.

Heemaaln