Heemaal News Network

Tel Aviv: Taageere Dawlada Natanyahu Oo Gaadhi Jiidhsiiyey Dibad Baxayaal Yuhuuda

Shan qof oo mudaaharaadayay ayaa ku dhaawacmay ka dib markii ay ku dheceen baabuur uu watay “taageerayaal” dawladda Benjamin Netanyahu, intii lagu jiray mudaaharaadyo ka dhacay badhtamaha Tel Aviv, sida ay sheegtay warbaahintu.

Wargeyska Yedioth Ahronoth ee Israel ayaa sheegay in Isbitaalka Ichilov uu ku dhawaaqay imaanshaha shan bukaan oo ka mid ah dadka mudaaharaadayay oo ka yimid shil baabuur oo ka dhacay meel u dhow fagaaraha Kaplan ee bartamaha magaalada Tel Aviv.

Waxa ay tilmaantay in mid ka mid ah dibad baxayaasha uu dhaawac culus soo gaaray, halka kuwa kalena uu soo gaaray dhaawac fudud.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Iran Oo War kasoo Saartay Weerarada ay ku Qaaday Israa’iil

Heemaaln

Midowga Yurub Oo War kasoo Saaray Xiisada Culus Ee Israel iyo Iran.

Heemaaln

Hoggaamiyaha Xamaas Oo ka Hadlay Cilka Ciidamada Israel u Geysteen Caruurtiisa

Heemaaln