Heemaal News Network

Tirada Dadka u Dhintay Cudurka Daacuunka Gudaha Somaliya Oo Gaartay 60 Qof

Ugu yaraan 60 qof ayaa gudaha Soomaaliya ugu geeriyooday cudurka daacuun caloolaha saddexdii bilood ee la soo dhaafay, sida ay sheegtay haya’dda Qaramada Midoobay ee UNICEF.

Wadar ahaan 4,956 kiis oo cudurka daacuunka ah ayaa la diiwaan galiyay muddadaas, iyadoo 60 kamid ah ay u dhinteen cudurka sida ay hay’adda Unicef ku sheegtay warbixinteedii ugu dambeysay ee ay magaalada Muqdisho ka soo saartay.

Kiisaska la diiwaan galiyay ayaa 2,503 kamid ah waxay ahaayeen dumar, taasoo hoosta ka xariiqaysa sida ay dumarku ugu nugul yihiin daacuunka.

Sida laga soo xigtay WHO, tirada kiisaska la soo sheegay sanadkan ayaa saddex jeer ka badan tirada saddexdii sano ee la soo dhaafay.

Hay’adda caafimaadka adduunka waxay kaloo sheegtay in 2,940 xaaladood ay ahaayeen carruur da’doodu ka yar tahay shan sano jir.

Daacuunka ayaa la aaminsan yahay inuu ka dhashay daadadkii El Nino dhamaadkii sanadkii 2023, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 118 qof, halka 1.2 milyan qofna ay ku barakaceen.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Fiitamiinada Iyo Macdanta Jidhku Ka Helo Cunista Tufaaxa.

Heemaal

Somaliya : In ka badan 50 Qof Oo u Geeriyootay Cudurka Daacuunka.

Heemaaln

Xanuunka Wadnaha Iyo Daawaynta Ay Ku Samayso Cunista Yaanyadu.

Heemaal