Heemaal News Network

Villa Somalia Oo Beenisay in Xassan Shiikh & Abiy Ahmed ay ku kulmayaan Rome

Afhayeen u hadlay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa mar kale ku celiyey in aanayjirin kulamo dhexmari doona madaxda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya illaa dawladda Itoobiya ay ka laabanayso go’aankii ay isafgaradka kula saxiixatay Somaliland.

Agaasimaha Xiriirka madaxtooyada Soomaaliya Cabdulqaadir Cali Dige ayaa sheegay in kulamo dhexdhexaadin ah aysan ka dhici doonin Talyaaniga iyo meel kaleba.

“Mowqifkan waxa uu waafaqsan yahay mowqifkeenii ahaa in aanay wax dhexdhexaadin ah dhici doonin illaa Itoobiya ay ka laabanayso MoU-da sharcidarrada ah, ayna ka xaqiijinayso gobannimada, midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya,” ayuu sheegay Cabdulqaadir Cali Dige.

“MoU-du keliya xadgudub kuma aha xuquuqda dhuleed ee Soomaaliya, waxay sidoo kale boqongoynaysaa mabaadii’da xeerarka caalamiga ah iyo xasilloonida gobolka. Dawladda Federaalka ee Soomaaliya waxaa ka go’an u hoggaansanaanta mabaadii’dan, waxayna diyaar u tahay inay la macaamisho dhammaan saaxiibada caalamka oo ay ku jiraan Midowga Afrika, Qaramada Midoobay), iyo urur goboleedka IGAD, xiriir ku salayn kala faa’iidaysi salka ku haya xeerarka caalamiga ah oo horseedi kara horumar dhaqaale iyo barwaaqada oo la wadaago,” ayuu intaas ku daray.

Hadalkan ayaa imanaya iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ay labaduba haatan ku sugan yihiin magaalada Rome oo ay kaga qayb galayaan shirka madaxda Afrika iyo kuwa Talyaaniga.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkaasi looga hadli doono kobcinta iskaashiga Afrika iyo Talyaaniga ee dhinacyada helitaanka cuntada, dhaqanka, waxbarashada iyo horumarinta dhaqaalaha.

Shirkaas ayaa madaxweynaha Soomaaliya uu ka jeedin doonaa khudbad uu kaga hadlayo arrimaha muhaajiriinta, isku socodka dadka iyo amniga, sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Xukuumada Oo Markii Ugu Horeysy Dalka kusoo Dhaweysay Ex M/Daahir Riyaale Kaahin

Heemaaln

Jabuuti Oo Mar Kale Ku Celisay In Ay Ka Soo Horjeedo Heshiiska Badda Iyo Kala Goynta Soomaaliya

Heemaal

Ra’isul Wasaare Xamse Oo la kulmay Abdullah Salem una Mahadceliyay Dowladiisa

Heemaaln