Heemaal News Network

Waddamada Islaamka Oo ku Dhawaaqay in Berito la Dhameystirayo Soddonka Bisha Ramadaan

Sacuudiga iyo dalalka kale ee Islaamka ayaa sheegay in berrito la dhameystiri doono soddonka bisha Ramadaan, ka dib markii ay xaqiijiyeen in la arki waayay dhalashada bisha Shawaal.

Sacuudigu wuxuu sheegay in maalinta koowaad ee bisha tobnaad ee bilaha Islaamka ee Shawaal ay ku beegan tahay 10-ka Abriil.

Go’aanka kama dambeysta ee ka soo baxay Sacuudiga oo uu baahiyay xafiiska warfaafinta ee Haramain Sharifain, ayaa lagu sheegay in aan la arag bisha, lana dhammeysanayo 30 Ramadaan.

Dalalka Kuwait, Qatar, Baxreyn, Ciraaq, Falastiin, Suuriya, Masar, Lubnaan, Yemen iyo Imaaraadka Carabta ayaa sidaas oo kale ku dhawaaqay in talaadada la dhameystirayo bisha barakeysan ee Ramadaan, Arbacadana ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga.

Soomaaliya weli loogama dhawaaqin go’aanka la xiriira bisha Shawaal, inkastoo la filayo in dowladda Soomaaliya ay shaaciso in berrito la dhameystirayo bisha Ramadaanka.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Suldaan Jamaal Xuseen Cawed Oo Lagu Caleema Saaray Degmada Bohol Ee Sool

Heemaaln

“Aabahay waxa Dishay Dawlada Somaliya “ Marxuumkii Sadexaad Ee la Dilo Oo Gabiley Lagu Aasay

Heemaaln

Siyaasiyiin iyo Wax-garad Oo Dhaliil Ujeediyay Farmaajo kana soo Horjeestay Dib usoo Noqoshadisa

Heemaaln