Heemaal News Network

Khasaaraha Dhimasho Ee Weerar Toorey Oo ka Dhacay Sydney Oo Kordhayiyo Ninkii..(Sawiro)

Weerar loo adeegsaday toorey oo dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay suuq kuyaalla magaalada Sydney ee dalka Austarlia, waxaana weerarkan fuliyay nin toorey ku hubeysnaa.

War kasoo baxay booliiska magaalada Sydney ayaa lagu sheegay in weerarka tooreyda loo adeegsaday ku dhinteen ilaa lix qof oo shan kamid ah haween ahaayeen, waxaa sidoo kale weerarka ku dhaawacmay 8-qof oo kale oo carruur ku jiraan.

Ciidamada booliiska oo si deg deg ah u gaaray goobta weerarka ka dhacay ayaa ku guuleestay in ay toogasho ku dilaan ninkii weerarka geestay oon wali booliiska faah faahin badan xogtiisa ka bixin.

Saraakiil katirsan booliiska magaalada Sydney ayaa sheegay in ay wadaan baaritaanno ku aadan weerarkan, waxa ayna ka gaabsadeen in weerarkan tooreyda loo adeegsaday ku tilmaamaan mid argagaxiso.

Ninka weerarka geestay oo 40-sanno jir ahaa ayaa la sheegay in horey booliiska u garanayeen, waxa ayna booliiska sheegeen in faah faahinta xogta weerarkan bixin doonaan marka baraista dhammaato.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Daacish Oo Baahisay Muuqaalka Afar Qof Oo Fulisay Weerarkii Moscow (Sawirro)

Heemaaln

Gabadh Yar Oo Hargeysa Laga Afduubtay Dhawaan Oo la soo Bandhigay

Heemaaln

Daawo Cadaymaha ku Gadaaman Weerarkii Hotel SYL .

Heemaaln