Heemaal News Network

Xamse Oo Casho ku Maamuusay Saraakiisha la Socota Markabka Dagaalka Turkiga.(Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan casho sharaf ah ku maamuusay Saraakiisha iyo Taliyeyaasha Ciidamada Turkiga ee saarnaa markab dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Difaaca Turkiga oo maanta soo gaaray dalkeenna, kaasoo qeyb ka ahaa dhaqan-gelinta heshiiska iskaashiga difaaca.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Markabka Difaaca Turkiga ee ku soo xirtay Muqdisho uu yahay dhacdo taariikhi ah oo xoojinaysa iskaashiga iyo walaalnimada Soomaaliya iyo Turkiga.

Kulanka cashada ayaa waxaa ku wehelinayeen Ra’iisul Wasaaraha, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno, saraakiil ciidan iyo Danjiraha Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga u fadhiya Soomaaliya.