Heemaal News Network

Xasan Cali Kheyre iyo Siyaasiyiin kale Oo Qaadacay Wax ka Bedelka Dastuurka KMG

Ra’isul Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Kheyre , Cumar Cabdirashiid iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal wadajir ah ay soo saareen ku qaadacay go’aankii xildhibaanada ku ansixiyeen wax ka bedelka afar cutub oo dastuurka katirsan.

Qoraalka ay soo saareen musharaxiintan Madaxweyne ayey ku caddeeyeen in ay qaadacsan yihiin dastuurka cusub ee la ansixiyay, waxa ayna shaaciyeen in ay aqoonsan yihiin dastuurkii hore ee KMG ahaa.

“Madaxweynuhu wuxuu dalka u horseeday qalalaase iyo hubanti la’aan siyaasadeed, wuxuu qalqal geliyey geedi socodkii dib u heshiisiinta iyo dawlad dhiska, wuxuu dhaawacay is aaminaddii iyo kalsooni dhiskii ummadda, wuxuu dalka u sameeyey laba dastuur oo muran iyo mugdi gelinaysa sharciyadda Madaxweynaha iyo hay’adaha kale ee dastuuriga ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

“Dalku Jarbuu Ka Laad-laada Waa In Muuse Laga Badbaadiyaa, Qabyaalad Aynu Ku Doorano 32…” Rashiid

Heemaaln

Odoyaal Beeniyay Inay Beeshoodu Weerartay Gaari jidka loo Galay Oo Lagu Dilay 5 Qof 6 kalana Lagu Dhaawacay.

Heemaal

Waxgaradka Jareerweyne ka Hadlay Colaada ka Taagan Xadka Shabelaha dhexe & Hiiraan.

Heemaal