Heemaal News Network

Xassan Sheekh: Itoobiya Waan La Dagaalamaynaa, Ciidamadooduna Dalka Joogana Kama Maarano

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dalkiisu “is difaaci doono” haddii Itoobiya ay ku dhaqaaqdo heshiiska ay ku doonayso inay saldhig ciidan uga samaysato Somaliland, isla markaana ay suurtogal tahay inay u aqoonsato dhulkaas dal madax bannaan.

Itoobiya oo aan bad lahayn ayaa 1-dii Jannaayo heshiis is afgarad ah gashay taas oo xeeb gaareysa 20 km ay Somaliland uga kireysaneyso dhul ay Soomaaliya ku doodday in ay leedahay isla markaan aan la bixin Karin.

Itoobiya waxay sheegtay inay doonayso inay saldhig ciidan ka samaysato halkaas, waxaanay soo bandhigtay suurtogalnimada aqoonsiga Somaliland oo ay ku beddelaneyso.

“Haddii Itoobiya ay ku adkeysato, Soomaaliya way iska caabin doontaa, wayna diidi doontaa,” ayuu madaxeyne Xsan Sheikh Maxamuud u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters kadib wareysi uu siiyay.

“Haddii ay dalka soo galaan, Soomaaliya waxay sameyn doontaa wax walba oo ay isku difaaci karto,” ayuu sii raaciyay.

Ma uusan sii faah-faahin tallaabada ay Soomaaliya qaadi karto. Itoobiya iyo Soomaaliya oo daris ah ayaa ku dagaallamay dhul 1977-1978 iyo 1982kii.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in kaliya uu aqbali doono in uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed kala hadlo arrinta marka ay xukuumadda Addis Ababa ka tanaasusho rabitaankeeda.

Abiy ayaa horay u sheegay in Itoobiya aysan qorshaha ugu jirin in ay colaad dhex marto Soomaaliya, kaliyana ay isku dayeyso in ay wax ka qabato baahideeda dhanka badda ah.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in uusan ka fikireynin in uu dalka ka eryo ku dhawaad 3,000 oo askari oo Itoobiyaan ah oo ku sugan Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee dagaalka kula jira al-Shabaab.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Puntland Oo ka Jawaabtay Go’aanka DF Ee Lagu Xirayo Qunsuliyada Itoobiya Ee Garowe

Heemaaln

Abiy Axmed Oo R/Wasaare ku xigeenka Ethiopia U Magacaabay Adam Faarax.

Heemaaln

Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Oo Xilkii si rasmiya ula Wareegay.

Heemaaln