Heemaal News Network

Maraykanka Oo Cunaqabataymo Cusub Ku Soo Rogay Ruushka

Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in ka badan 500 oo cunaqabateyn cusub ah oo ka dhan ah Ruushka oo la xiriira duulaankii uu ku qaaday Ukraine iyo geeridii hoggaamiyihii mucaaradka Alexei Navalny.

Cunaqabateynadaas cusub ayaa waxaa ka mid ah tillaabooyinka ka dhanka ah hay’adaha maaliyadda iyo militariga, iyo saraakiisha ku lugta lahaa xabsiga Navalny.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale ku dhawaaqay cunaqabatayn cusub oo lagu soo rogayo Ruushka in uu helo tignoolajiyada militariga.

Tallaabooyinka ayaa ku soo beegmaya toddobaad ka dib tan iyo markii Navalny uu si lama filaan ah ugu dhintay xabsiga Arctic Circle.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, oo Khamiistii magaalada San Francisco kula kulmay xaaska uu ka dhintay Navalny iyo inanta uu dhalay, ayaa sheegay inyasan “shaki ku jirin” in madaxweynaha Ruushka uu mas’uul ka yahay dhimashadiisa.

Tallaabooyinka cusub ee Mareykanka lagu dhawaaqay ayaa sidoo kale waxaa ku jira ku dhawaad ​​100 shirkadood iyo shakhsiyaad kuwaas oo sidoo kale wajihi doona xayiraadda dhanka dhoofinta.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Bankiga Itoobiya Oo Shaaciyay Magacyada Dadka weli la Maqan Lacagaha lala Baxsaday

Heemaaln

Sarakiishii Imaaraadka Oo Aas Qaran loo Sameeyay Maxayse U Dhimi kartaa Hawlgaladii Imaaraadka Ee Somaliya?

Heemaaln

Gacan ku Dhiigle Lagu Wareejiyay itoobiya.

Heemaaln