Heemaal News Network

Xassan Sheekh Oo ka Farxiyey Maxaabiis 100 ka Badan Oo ku jira Xabsiyada Dalka

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa Maanta Cafis Madaxweyne kusii daayay 116 Maxbuus oo ku xernaa Xabsiga Dhaxe ee Xamar iyo Xabsiga MBCC ee ku yaala Ex-Control Afgooye.

Maxaabiista ku xernaa Xabsiyada ayaa Maxkamadaha ku xukumeen xukuno kala duwan ayada oo ay ku eedeysanaayeen dambiyada fudud waxaana qaarkood ay qaateen intii ugu badneyd xukunkooda.

Xeer Ilaaliye ku xigeen Farxaan Xuseen Maxamed ayaa kula dardaarmay Maxabiiista in ay ka faaiideystaan fursada la siiyay waxaana uu uga mahadceliyay Madaxweynaha JFS mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaan idin sheegeynaa in Cafiska aad ku baxdeen uu idin fidiyay Madaxweynaha JFS munaabadda Bisha Barakeysan awgeed, qof walba waxaa laga rabaa in uusan u laaban waxii loosoo xeray” ayuu yiri

Dadka Ka faa’iideystay Cafiska Madaxweynaha ayaa u badnaa Dhallinyaro aad u da’yar waxaana intii ay xabsiyada ku jireen ay heleen adeegyo cafimaad oo bilaash ah, waxbarasho, iyo goobo lagu cayaaro, ayada ay u dheertahay kormeerka Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka si loo ilaaliyo xaquuqda Maxaabiista ku xeran Xabsiyadda dalka.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Hindiya Oo Madaxda Somaliya kala Hadlay Arimo Muhiim ah.(Sawiro)

Heemaaln

Dowladaha Somalia iyo Turkiga Oo kala Saxiixday Heshiis kale Oo Xasaasi ah.(Sawiro)

Heemaaln

“Muuse Biixi Iyo Ina Kaahin Waligood Dadka Run Umay Sheegin Tv-gii Ilig-na” Musharax Cirro

Heemaaln