Heemaal News Network

Xassan Sheekh Oo Saxeexay Nuqulka Rasmiga Ah Ee Wax Ka Badalka Dastuurka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay nuqulka rasmiga ah ee wax ka beddelka cutubyada 1aad, 2aad, 3aad iyo 4aad ee Dastuurka JFS, oo ay shalay cod Aqlabiyad leh ku ansixiyeen Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dhammeystirka Dastuurku uu aas-aas u yahay horumarinta dimuqraadiyadda, sinnaanta dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, adkaynta iyo dhisida hay’ado dowladeed oo hufan.

Munaasabadda saxiixa nuqulka rasmiga ah ee wax-kabeddelka cutubyada Dastuurka dalka waxaa goob joog ahaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Wax ka beddelka cusub ee lagu sameeyay dastuurka ayaanan weli taageero iyo soo dhowayn ka helin dowlad goboleedka Soomaaliya, kuwaas oo intooda badan markii hore qeyb ka ahaa heshiiska qodobada wax laga beddelayo dastuurka Soomaaliya.

Maamulka Puntland oo qeyb ka ah dowlad goboleedyada ayaa ku dhawaaqday inay u dhaqmayso sidii dowlad madax bannaan illaa inta laga helayo dastuur lagu midaysan yahay.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sidoo kale ka horyimid wax ka beddelka dastuurka, iyagoo sheegay inuu dalku u horseedayo qalalaase siyaasadeed.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Labbada Gole Ee Soomaliya Oo Loo Qaybiyey Nuqulka Wax Ka Badalka Dastuurka

Heemaal

“Reer Awdal Waxaan Leeyahay Baddiina waxa Idiin Difaacaya Turkiga..”Xildhiban Caasha Koos

Heemaaln

M/Biixi Oo Golaha Wakiilada ku Eedeyay in ay Maroorsadeen Awooddii Xukuumadda

Heemaaln