Heemaal News Network

Xassan Sheekh Iyo Dhigiisa Turkiga Oo ka Wadahadlay Qoodobo xasaasi ah

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la kulmay dhigiisa dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ka dib markii uu dalka Turkiga

Kulanka labada Madaxweyne ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ugu horeeyaan dhinacyada iskaashiga dhaqaalaha iyo Difaaca, dagaalka dowlada ay kula jirto argagixisada iyo muhiimada Soomaaliya u leedahay xasiloonada gobolka geeska Afrika.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa dhowaan wada galay heshiis caalami ah oo quseeya dhanka Difaaca iyo dhaqaalaha oo lagu ilaalinayo xeebaha Somalia, laguna tababarayo ciidamada Badda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Turkiga kaga qeyb-galay Madasha Diblumaasiyadda Antalya ee dalka Turkiga ayaa ka hadlay mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya iyo muhiimadda ay leedahay xasilloonida marinnada muhiimka ah ee ay ka mid tahay Badda Cas.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Dawlada Somaliya Oo War Digniin ah kasoo Saartay Sheegashada Somaliland Ee Hawda.

Heemaaln

“Muuse Biixi Iyo Ina Kaahin Waligood Dadka Run Umay Sheegin Tv-gii Ilig-na” Musharax Cirro

Heemaaln

Madaxwaynaha SSC Oo ka Hadlay Dhibta Soonkii Hore Somalilnd ka Geysatay Laascanood

Heemaaln