Heemaal News Network

Xassan Sheekh Iyo Dhigiisa Turkiga Oo ka Wadahadlay Qoodobo xasaasi ah

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la kulmay dhigiisa dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ka dib markii uu dalka Turkiga

Kulanka labada Madaxweyne ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ugu horeeyaan dhinacyada iskaashiga dhaqaalaha iyo Difaaca, dagaalka dowlada ay kula jirto argagixisada iyo muhiimada Soomaaliya u leedahay xasiloonada gobolka geeska Afrika.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa dhowaan wada galay heshiis caalami ah oo quseeya dhanka Difaaca iyo dhaqaalaha oo lagu ilaalinayo xeebaha Somalia, laguna tababarayo ciidamada Badda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Turkiga kaga qeyb-galay Madasha Diblumaasiyadda Antalya ee dalka Turkiga ayaa ka hadlay mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya iyo muhiimadda ay leedahay xasilloonida marinnada muhiimka ah ee ay ka mid tahay Badda Cas.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Daawo Waraysi M/Biixi Oo ka Hadlay Doorashooyinka, Xeerka Golayaasha Horyaal, Iyo Heshiiska Ethiopia.

Heemaal

Mareykanka Oo Dhaleeceeyey Weerarkii Lagu Laayey Saraakiisha Imaaraadka

Heemaaln

Ciidanka NISA Oo Gacanta ku Dhigay Shabakad ka tirsan Al-shabaab (Sawirro)

Heemaaln