Ninka saakay xukunka dilka ah lagu fuliyay ayaana labo maalin kahor maxkamadda derajada koobaad ee gobolka Sool ku riday xukun dil ah , kaddib markii ay ku caddaatay in si kas ah u dilay sargaal katirsanaa ciidanka SSC Khaatumo.
Fagaaraha xukunka dilka ah lagula fulinayay ninkan dilka ka geestay magaalada Laascaanood ayaa waxaa isugu tagay ehelada marxuumkii uu dilay iyo eheladiisa, saraakiil iyo dadweyne kale.
Xukunkan dilka ah ee ninkan horey loogu riday waxaa si isku mid ah usoo dhaweeyay dhinacyada ay kasoo kala jeedaan ninka eedeysanaha ah ee dilka geestay iyo dhinaca kale uu kasoo jeedo marxuumka la dilay.