Heemaal News Network

16 Xildhibaan Faransiisa Oo Booqday Rafah, Dalbadayna Xabad Joojin Degdeg Ah

Wafdi ka kooban 16 xildhibaan oo ka tirsan mucaaradka Faransiiska ayaa dalbaday xabad joojin degdeg ah oo joogto ah oo laga sameeyo Gaza xilli ay booqasho ku joogeen Masar.

Wafdiga oo ay ku jiraan xubno ka socda xisbiga bidix ee La France Insoumise LFI, ama France Unbowed Party ayaa booqanaya Masar iyo xuduudka Rafah.

Waxaa ka mid ahaa xubno ka tirsan xisbiga France Unbowed, sida Eric Coquerel iyo Thomas Portes, kuwaas oo wadahadalo la yeeshay safiirka Faransiiska u fadhiya Qaahira, Eric Chevalier, intii ay ku guda jireen booqashada taasoo qayb ka ah howlgalka loogu ololeynayo xabbad-joojin degdeg ah oo waarta.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Shan Bilood Mushahar maanu Qaadan Shaqaalaha Hospitalka Wajaale

Heemaaln

Itoobiya Oo War Cusub Oo ka Dabacsan kuwii Hore kasoo Saartay Xiisadda Badda Ee Somaliya.

Heemaal

Maxay yihiin Warqadaha Sirta ah Ee Laga Helay Guriga Madaxweyne Biden?

Heemaaln