Heemaal News Network

70 Qof Oo Ku Dhintay God Dahab Ay Ka Qodayeen Dalka Mali

In ka badan 70 qof ayaa ku dhintay ka dib markii uu ku dumay tuneel ku yaalla goob laga qodo dahabka Mali usbuucii hore, ilo maxalli ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP, musiibadii ugu dambeysay ee ka dhacday gobolka u nugul shilalka macdanta.

“Waxay ku bilaabatay buuq, dhulkuna wuxuu bilaabay inuu gariiro,” Oumar Sidibe, oo ah sarkaal ka tirsan kuwa ka shaqeeya dahabka ee magaalada Kangaba ee koonfur-galbeed, ayaa u sheegay AFP Arbacadii, dhacdadan Jimcihii.

Goobaha dahabka laga qodo waxaa si joogta ah uga dhaca dhul go’a ay dad badan ku dhinteen iyadoo mas’uuliyiintuna ay la halgamayaan sidii ay u xakameyn lahaayeen macdan qodista birta qaaliga ah.

“Waxaa beerta ku sugnaa in ka badan 200 oo dahab-qodoyaal ah, baaritaankii hadda wuu dhammaaday, waxaan helnay 73 mayd,” ayuu yidhi.

Wasaaradda Macdanta ee dalka Mali ayaa bayaan ay soo saartay Talaadadii waxa ay ku shaacisay dhimashada dhowr qof oo macdan qodayaal ah balse ma aysan sheegin tiro sax ah.

Dawladdu waxay si qoto dheer uga tacsiyaysay qoysaska murugaysan iyo dadka reer Mali.

Waxa ay sidoo kale ugu baaqday “bulshooyinka ku nool agagaarka goobaha macdanta iyo kuwa dahabka ka shaqeeya inay si taxadar leh u ixtiraamaan shuruudaha badbaadada oo ay ka shaqeeyaan oo kaliya gudaha wareegyada loo qoondeeyey dahabka”.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Mareykanka Oo Dhaleeceeyey Weerarkii Lagu Laayey Saraakiisha Imaaraadka

Heemaaln

Shan Bilood Mushahar maanu Qaadan Shaqaalaha Hospitalka Wajaale

Heemaaln

llhaan Cumar Oo Weerarro afka ah kala Kulantay Khikaafka Badda Somaliya iyo Itoobiya

Heemaaln