Sunday, April 5, 2026

Raan ka mid ah timihii Bob Marly oo lagu xaraashaayo dalka Ingiriiska

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset
HNN: Raan ka mid ah timaha tidcan ee fanaankii caanka ahaa ee Bob Marley, oo dhererkiisu yahay 1.5 inji, ayaa la filayaa in lagu iibiyo lacag u dhaxaysa £20,000 ilaa £25,000 marka la dhigo xaraashka ay qabanayso shirkadda JC Auctions ee magaalada Bristol taariikhdu markay tahay 9-ka Abriil.
Timahan waxaa laga soo gooyay fanaanka sannadkii 1978 ka dib markii uu ka qayb galay barnaamijka “Top of the Pops” ee dalka Ingiriiska, waxaana qofka iska leh uu sheegay in Bob Marley uu isagoo qoslaya u oggolaaday inuu raantaas ka goosto timiisa.
Marka laga soo tago timaha, Bob Marley wuxuu ninkaas siiyay saxiix isaga qudhiisa lagu qiimeeyay £4,000.
Waa markii ugu horreysay muddo 20 sano ah oo timaha fanaankan xaraash la soo dhigo, iyadoo horey loo iibiyay qalab kale oo uu lahaa fanaankan caanka ahaa sida gitaarkii Led Zeppelin iyo qoraal gacmeedka David Bowie.
Bob Marley oo ahaa hormuudka muusigga Reggae ayaa u dhintay cudurka kansarka sannadkii 1981 isagoo 36 jir ah.
Heemaal News Network.