Heemaal News Network

Antonio Guterres: Sidee U Aqbalnaa In Afrika Ka Wayday Xubin Joogto Ah Golaha Amaanka

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku dhaliilay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay in aan xubin joogto ah ka helin Afrika.

Sideen ku aqbali karnaa in Afrika ay weli ka maqan tahay hal xubin oo joogto ah oo ka tirsan Golaha Ammaanka?

Guterres ayaa ku qoray X.
“Hay’aduhu waa inay ka tarjumaan dunida maanta, ma aha tii 80 sano ka hor. Shir-madaxeedka mustaqbalka ee Sebtembar wuxuu noqon doonaa fursad lagu tixgeliyo dib-u-habaynta maamulka caalamiga ah & dib-u-dhiska kalsoonida,” ayuu yidhi.

Guterres ayaa sidoo kale ku celiyay dalabkiisa ku aaddan xabbad-joojin bini’aadannimo oo degdeg ah iyo in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan la haystayaasha Gaza.

“Kama laaban doono baaqeyga ku aaddan xabbad-joojin bini’aadinimo oo degdeg ah iyo in si degdeg ah & shuruud la’aan loo sii daayo dhammaan la haystayaasha,” ayuu yidhi.

Mar uu soo hadal qaaday dhibaatada bini’aadantinimo ee ka taagan Qaza oo ay ku hayaan weeraro Israa’iili ah, waxa uu yidhi: “Dadka Gaza ku nool kuma dhimanayaan oo kaliya bambooyinka iyo rasaasta, balse waxa ay u dhimanayaan cunto la’aan iyo biyo nadiif ah, iyo isbitaallo aan lahayn koronto iyo dawo”.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

War-murtiyeedkii Shirka Midowga Afrika Oo Looga Hadlay Xiisad Somaliya iyo Itoobiya

Heemaaln

Liisaka Musharaxiinta Sinagal Oo La Shaaciyey Iyadoo Laga Reebay Halgamaaga wayn Sonkon

Heemaal

Suudaan Oo Ku Dhawaaqday In Ay Hakisay Xubinimada Urur Goboleedka IGAD

Heemaal