Heemaal News Network

Telefisino Laga Mamnuucay inay kasii Shaqeeyaan Sudan iyo Dambiyada Lagu Eedeeyay

Maamulayaasha dalka Sudan ayaa ku dhawaaqay in shaqada laga joojiyey telefishino waa weyn oo Carabta dhaxdooda caan ka ah , kadib, markii lagu helay telefishinnadaasi in ay qaladaad sameeyeen.

Hadal-qoraal oo uu Wasiirka Dhaqanka iyo Warfaafinta ee Sudan, Graham Abdulkadir Daamin soo saaray shalay oo Talaado ah ayaa lagu shaaciyey in la hakiyey shaqada telefishinada Carbeed ee Sky News Arabia, Al Arabiya iyo Al Hadath.

Telefishinada Al Arabiya iyo Al Hadath oo laga leeyahay dalka Sacuudiga ayaa la sheegay in shaqada looga joojiyey sababo la xiriirta inaysan cusbooneysiinin fasaxa shatiga loo siiyey inay dalka Sudan ka hawlgalaan.

Qoraalka Wasaaradda Dhaqanka iyo Warfaafinta ee Sudan waxa uu xafiiska telefishinka Sky News Arabia ee Sudan ku eedeeyey hufnaan la’aan iyo khibrad xumo dhanka tifaftirka warbixinnada ee suxufiyiinta ka hawlgala telefishinkaasi shaqada laga joojiyey.

Dhanka kale, Wasaaradda Dhaqanka iyo Warfaafinta dalka Sudan waxay aad u naqdiyeen telefishinka Sky News Arabia oo muuqaal Al Shabaab u adeegsaday Warbixin ku saabsanayd dagaalka u dhexeeya ciiddanka milatariga Sudan iyo kuwa Kooxda hubeysan ee gurmadka Degdega (RSF).

Maamulka Telefishinka Sky News Arabia waxay difaaceen sax ahaanahaha warbixinta ay baahiyeen ee ay dowladda Sudan dhibsatay, balse, waxay qirteen inay adeegsadeen muuqaal horey loo kaydiyey.

Si kastaba, ururka suxufiyiinta Sudan (The Sudanese Journalists Syndicate (SJS) waxay cambaareeyeen go’aanka dowladda Sudan ku xirtay telefishinada Carbeed ee Al Arabiya Al Hadath iyo Sky News Arabia.

Ururka SJS waxay Go’aankaasi ku tilmaamtay mid xadgudub ba’an ku ah xorriyada hadalka, laguna aamusinayo saxaafadda madaxa-bannaan.

Waxay kaloo ka digeen in go’aanka lagu xiray telefishinadan ka howlgalayay gudaha Sudan in ay aamusin doonto warbaahinta xirfadleyda ah iyo inay soo bataan faafinta warbixinada qaldan iyo hadallada nacaybka ah.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Itoobiya Oo Heshiis Iskaashiga Dhinaca Difaaca ah la Saxiixatay Dalka Uganda.

Heemaaln

Madaxweyne Museveni iyo William Ruto Oo kursi Muhiim ah la Raadinaya Raila Odinga

Heemaaln

Congo Oo Yeelatay Ra’iisul wasaarihii Ugu Horeeyay Ee Dumar ah

Heemaaln