Heemaal News Network

Weerar Mindi loo Adeegsaday Oo ka Dhacay Xarun Tareen Oo ku Taala Paris

Nin ku hubeysan toorey ayaa weerar ka geestay xarun tareennada laga raaco oo kutaalla magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska, waxaana weerarkaasi dhaawacyo kasoo gaareen saddex qof oo goobta ku sugnaa.

Warbaahinta dalka Faransiiska ayaa tabineysa in qof kamid ah dadka tooreyda lagu dhaawacay uu soo gaaray dhaawac halis ah oo dhinaca caloosha ah, waxaana loola cararay qofkaasi iyo dadka kale ee la dhaawacay xarumo caafimaad.

Ciidamada booliiska oo si deg deg ah u gaaray goobta weerarka ka dhacay ayaa xiray nin lagu tuhmayo in falkaasi ka dambeeyay, ninka la xiray ayaana la sheegay in asal ahaan kasoo jeedo dalka Mali.

Booliiska ayaana sheegay in ay socdaan baaritaano ku aadan weerarkan iyo ninka loo qabtay oo la sheegay in dukumiintiyo Talyaani ah watay, mana ku sifeyn booliiska weerarkan in uu yahay mid argagaxiso.

Weerarka kaddib ayaa waxaa hakkad galay adeegga tareennada ee ka baxa xarunta weerarka ka dhacay , kuwaa oo u kala gooshayay Talyaaniga iyo Switzerland iyo sidoo kale aagga koonfurta Paris.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Maraykanka Oo 85 Goobood Oo Ku Yaala Suuriya Iyo Ciraaq Weerar Ku Qaaday

Heemaal

Maraykanka Oo Cunaqabataymo Cusub Ku Soo Rogay Ruushka

Heemaal

Mareykanka Oo Sheegay inuu Qabtay Shixnad Hub ah Oo Iran Ay u Waday Xuutiyiinta Yemen

Heemaaln