Heemaal News Network

Burcad badeed laga qabtay deegaano ka tirsan gobolka Raas-Asayr….

Taliyaha Qaybta Gobolka Raasi Casayr G/sare Fu’aad Maxamud Xussen ayaa Hawlgal Qorshaysan uu ka sameeyeen deegaanada dhurbo, Biyo Kulule, iyo God-deexeed hawlgalkas oo ay fuliyeen Ciidamada Booliska Gobolka Raas caseyr oo kaashanaya Ciidamadda Ilaalada Badda PMPF ayey ku soo qab-qabteen koox burcad badeed ah.

Kooxdan Burcad Badeedka ah oo ay Ciidamada Booliska ku raad joogeen ayaa ku hubaysanaa hubka noocyadiisa kala duwan sida RPG, PKM Hubka Fudud iyo Saanad Shidaaloo dhan inka Badan 21-Lixdanle oo shidaal iyo Rasaas ah.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Raas Casayr G/sare Fu’aad Mohamoud Hussain oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in 3 qof falka lagu soo qabtay wuxuuna intaas ku daray in la hor geeyn doono sharciga

Ciidamada gobolka Raasi Casayr ayaa ku raad joogaa Burcad Badeeda Falalka amni daro ka wadda Xeebaha Gobolka Raas casayr iyo cidkasta oo amniga Gobolka carqaladaynaysa in ay ku qabtaan gacan adag.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Midowga Yurub Oo Saanad Ciidan iyo Gaadiid Dagaal ku Wareejiyay Dowlada Somaliya

Heemaaln

Dowladda Oo Looga Digay inay Khatar Siyaasadeed iyo mid Amni ay Geliso dalka.

Heemaaln

Ra’isul Wasaare Xamse Oo Furay Shirka Madasha Isku-duwidda Horumarinta

Heemaaln