Heemaal News Network

Mareykanka Oo Dhaleeceeyey Weerarkii Lagu Laayey Saraakiisha Imaaraadka

Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqisho ayaa war kasoo saartay toogashadii xalay ka dhacday gudaha xerada Jeneraal. Gordan ee magaalada Muqdisho, taas oo lagu dilay saraakiil u dhashay Imaaratka Carabta.

Qoraal kasoo baxay safaaradda, ayaa lagu yiri“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa eheladii ay ka geeriyoodeen dadkii ku naf waayay weerarkii foosha xumaa ee argagixisanimo ee shalay lala beegsaday tababarayaasha ciidamada Imaaraatka Carabta iyo askarta Soomaaliyeed ee sida geesinimada leh uga shaqeeya horumarinta xasiloonida dalka.”

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Mareykanka ayaa lagu sii sheegay, “Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarkan fulaynimada ah, waxaanan ku adkeysaneynaa in aan taageerno dadaallada Soomaaliyeed ee lagu dhisayo nabadda.”

Mareykankanka ayaa sidoo kale tacsi u diray ehellada saraakiisha iyo askarta lagu laayay weerarkaasi oo uu ku tilmaamay inuu ahaa mid fuleynimo.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in ay sii xoojin doonaan taageerada ay haatan siiyaan Soomaaliya ee nabad dhiska.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Afhayeenka Madaxtooyada Oo Faahfaahin ka Bixiyey Safar Uu Maanta Xasan Sheekh ku Tagay Kenya

Heemaaln

Ugaas Cali Xaashi Oo kiisas Culus ku Eedeyey Boqor Buurmadow

Heemaal

Ciidamo Somali ah Oo Kenya Uga Qeyb galaya Dhoolo-tus Milatari (Sawirro)

Heemaaln