Heemaal News Network

Halyeygii Soomaaliya Oo Uu Wiilkiisu Koobka Qaramada Asia U Qaaday Qatar

Xulka qaranka Qatar ayaa ku guuleystay Koobka Qaramada Asia ee 2024 oo ay martigeliyeen, waxaanay ciyaartii finalka 3-1 ku garaaceen Jordan oo saddexda goolba uu rikoodh ku diiwaangashaday wiilka Soomaaliyeed ee Akram Cafiif ee uu aabbihii u ciyaari jiray xulka qaranka Soomaaliya.

Guul ay u qalmayeen ayay Qatar ku hantiday Koobka Qaramada Asia, waxaana ay uga mahad-celinayaan dhiigga iyo dheecaanka halyeyga halyeyga Soomaaliyeed ee Akram Cafiif.

Saddexlayda uu dhaliyey Akram Cafiif ayaa waxa ay Qatar u horseedday inay markii labaad oo xidhiidh ah ku guuleystaan Koobka Asia, waxaanay sameeyeen taariikh ah inay noqdeen waddankii ugu horreeyey ee laba jeer oo sikuxiga ku guuleysta tan iyo sannadkii 2004.

Garoonka Lusail Stadium ee loo dhisay Koobkii Adduunka ayaa lagu ciyaaray koobka, waxaana hoggaanka ay qabteen daqiiqaddii 21aad oo uu rikoodhe dhaliyey Akram Cafiif, hase yeeshee Jordan ayaa ciyaarta ka dhigtay 1-1, waxaana u dhaliyey goolkaas Al-Neimat.

Akram Cafiif ayaa mar kale la siiyey laba rikoodhe oo uu si xarrago leh u dhaliyey daqiiqadihii 73aad iyo 90+5aad, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 3-1 ay guushu ku raacday Qatar oo ku guuleystatay Koobka Qaramada Asia.

Qatar waxay noqotay waddankii ugu horreeyey ee martigeliya tartankan ee ku guuleysta tan iyo sannadkii 2015, waqtigaas oo ay Australia ku guuleysatay Koobka iyadoo martigelisay

Xigasho Laacib.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Pep Guardiola : United Waydii In Aan Nahay Koox Adag. “Rikoodh Cusub”

Heemaal

Kooxda Kubbada Cagta Ee Napoli Oo Si Lama Filaan Ah Shaqada Uga Eriday Tababare Walter Mazzarri

Heemaal

Habeenkii Oo Dhan Way Tuntaan Aroortiina Waxay Yidhaahdaan Waan Buknaa

Heemaaln