Heemaal News Network

In Ka Badan 50 Qof Oo Ku Dhintay Weerar Ay Israil Ka Gaysatay Rafah

Duqeymo is xigxigay oo ay Israa’iil ka geysatay magaalada Rafah ee koonfurta Qaza ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 52 qof, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka Falastiin.

Duqaymahan ayaa lagu garaacay 14 guri iyo saddex masaajid oo ku yaalla qaybo kala duwan oo ka tirsan magaalada Rafah, sida ay sheegtay xukuumadda Falastiin ee Gaza.

Weriyaha TRT World, Mohammad al Kassim ayaa soo sheegay in ugu yaraan 40 duqeymo oo xagga cirka ah lagu garaacay dhowr goobood oo ku yaalla Rafah, waxaana duqeymaha fuliyey ciidamada badda iyo madaafiicda Israa’iil ay ka qeyb qaateen weerarada cadawtinamada ee dhacay aroornimadii Isniinta.

Al Kassim ayaa sidoo kale sheegay in weerar gaadmo ah oo ay qaadeen dagaalyahanada wax iska caabinta falastiiniyiintu ay ku dileen dhowr askari oo Israa’iili ah Khan Younis wuxuuna sheegay in ciidamada Israa’iil ay qaban doonaan shir jaraa’id 0400 GMT si ay u faahfaahiyaan dhacdada.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

General Abdel Fattah Al-Burhan Oo Hal Shardi ku Xiray Wadahadal Nabadeed Oo Uu la Galo

Heemaaln

Maraykanka Iyo Ingiriiska Oo Gantaalo Ku Weeraray Dalka Yaman

Heemaal

Jaaliyada Somalida Columbus Oo si Adag Uga Fal-celisay Bahdilkii Itoobiya ku Sameysay M/Xasan

Heemaaln