Heemaal News Network

Liisaka Musharaxiinta Sinagal Oo La Shaaciyey Iyadoo Laga Reebay Halgamaaga wayn Sonkon

Golaha dastuurka dalka Senegal ayaa soo saaray liiska ugu dambeeya ee 20 ka musharrax ee u taagan doorashada madaxtinimada ee dhici doonta 25-ka Febraayo, kaasoo ay ka reeban yihiin hoggaamiyaha mucaaradka ee xiran Ousmane Sonko iyo Karim Wade oo ah wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee dalkaas Abdoulaye Wade.

Kuwa la daabacay Sabtidii waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaare Amadou Ba, oo uu u doortay Madaxweyne Macky Sall inuu noqdo beddelkiisa ka dib markii Sall uu ku dhawaaqay bishii Luulyo inuusan raadin doonin mar saddexaad.

Sidoo kale waxaa la magacaabay ra’iisul wasaarayaashii hore iyo kuwii la tartamayey Idrissa Seck iyo Mahamed Boun Abdallah Dionne, duqii hore ee Dakar Khalifa Sall iyo Bassirou Diomaye Diakhar Faye.

Faye, oo 43-jir ah, kana tirsanaa xisbigii la kala diray ee Sonko, ayaa isna xiran, balse weli maxkamad lama soo taagin. Waxa uu xabsiga ku jiray tan iyo bishii Abriil 2023-kii “xad-gudub maxkamadeed” iyo aflagaado  la xiriirta qoraal uu soo dhigay Facebook.

Sonko, oo kaalinta saddexaad ka galay doorashadii madaxtinimada ee 2019, ayaa udub dhexaad u ahaa khilaaf ba’an oo u dhexeeyay dawlada oo soo jiitamayay in ka badan laba sano oo uu dhaliyay rabshado dhimasho badan sababay.

49-jirkan mucaaradka ah ayaa ka dhex abuuray dhallintii Senegal dareen jacayl wadani, isagoo si weyn loola dhacay hal-ku-dheggiisii guud ee Afrikaankanimada iyo mawqifkiisii adkaa ee uu ka qaatay gumaystihii hore ee Faransiiska.

Golaha dastuurka ayaa ku gacan seyray musharaxnimada Sonko sababo la xiriira lix bilood oo la laalay oo lagu xukumay sumcad dil, taasoo ay ku raacday maxkamadda sare 4-tii Janaayo.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Telefisino Laga Mamnuucay inay kasii Shaqeeyaan Sudan iyo Dambiyada Lagu Eedeeyay

Heemaaln

Kenya Oo Shaacisay in Dagaal aanu kala Dhaxeyn Dalalka Deriskeeda

Heemaal

Ciyaaryahan Caan ah Oo Lagu Dilay Johannesburg Markii Uu Diiday in la Afduubto

Heemaaln