Heemaal News Network

Ruushka Oo Gantaallo ku Garaacay Meel u dhow” R/wasaraha Giriigga iyo Zelenesky

Qaraxyo dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa ka dhacay magaalada Odesa ee koonfurta dalka Ukraine, xilli uu madaxweynaha dalkaasi Volodymyr Zelensky uu la kulmayay ra’iisul wasaaraha Giriiga Kyriakos Mitsotakis.

Ciidamada badda ee Ukraine ayaa sheegay in shan qof ay dhinteen. BBC-da ayaa loo sheegay in aysan jirin cid ka tirsan labada wafdi oo wax ku noqday.

Mitsotakis ayaa sheegay in labadooduba ay maqleen dhawaqa seeriga iyo qaraxyada.

Ruushku waxa uu sheegay in uu bartilmaameedsaday goob lagu farsameeyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo dhinaca badda ah oo ku taalla meel ganacsi oo ku taal magaaladaas intii uu socday weerarkii maanta.

Madaxweyne Zelensky ayaa ku eedeeyay Ruushka “in aysan dan ka lahayn cidda ay beegsanayaan”, isagoo sheegay in Moscow ay “ama waalatay ama aysan xakameynin waxa ay sameynayaan ciidankooda argagixisada ah”.

Intii lagu guda jiray shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen ra’iisul wasaaraha Giriiga ayaa yiri “waxaan maqalnay dhawaqa seeriga iyo qaraxyo ka dhacay meel noo dhow, ma aanan helin waqti aan ku gaarno gabbaad”.

“waa xaalad aad u daran… Runtii way ka duwan tahay in dagaalka lagu akhriyo wargeysyada, oo aad dhegahaaga ku maqasho, indhahaaga ayaad ku arkaysaa,” ayuu raaciyay.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Spain Oo Lacag Ugu Deeqaysa Xeer Ilaaliyaha ICJ Si Loo Baadho Xasuuqa Gaza

Heemaal

Madaxweyne Putin Oo Reer Galbeedka Ugu Hanjabay Adeegsiga Hubka Nuclear-ka

Heemaaln

Xukuumada Xamse Oo ka War-bixiyey Booqasho Wafdiga Jamacadda Carabta Ee Muqdisho

Heemaaln