Heemaal News Network

Midowga Yurub oo Israel ku eedeeyey iney gaajo u adeegsatay hub dagaal

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell, ayaa Israa’iil ku eedeeyay inay “gaajo u adeegsato hub dagaal” iyo iney ka shaqeyneyso macaluul ku dhufata Gaza.

Borrell ayaa sheegay in Gaza ay hadda qarka u saaran tahay macaluul” balse “ay ku jirto xaalad saamaysay kumannaan qof,” isagoo intaas ku daray in aanay ahayn masiibo dabiici ah balse ay si toos ah u sababtay Israa’iil oo ku eedeeyey inay ka hortagto taageerada bini’aadantinimo ee soo gelaysa Gaza

Isagoo ka hadlayay xafladdii furitaanka Madasha Bani’aadantinimada Yurub, oo ah shir caalami ah oo gargaarka iyo iskaashiga ah oo ka dhacay Brussels, Borrell wuxuu ku eedeeyay Israel in boqollaal baabuur oo xamuul ah oo ku sugan xuduudda ay ka hor istaagtay inay galaan Gaza.

“Gawaadhida xamuulka qaada waa la joojiyay, dadkii baahnaana way dhimanayaan,” Borrell ayaa yiri.

Gaarsiinta gargaarka badda iyo hawada waxay ahayd kaliya lagama maarmaan sababtoo ah habka gargaarka dhulka waxa xirtay Israel” ayuu raaciyay.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Xamaas Iyo Islamic Jihad Oo Afar Shardi Ku Xidhay Wadahadala Dadban Ee Yuhuuda

Heemaal

Golaha Wasiirrada Dagaalka Israa’iil Oo Kulan Deg-deg ah ka Yeeshay Weerar Uga Yimaada Iran.

Heemaaln

Madaxweyne Biden Oo u Hanjabey Benjamin Netanyahu

Heemaaln