Heemaal News Network

Xarunta Baarlamaanka Dalka Norwey Oo Khatar Amni loo Xiray iyo Baaritaano socda

Xarunta Baarlamaanka dalka Norwey ayaa si deg deg ah loo xiray, kaddib markii ay soo shaac baxeen warar la xariira in bambaanooyin la dhigay xaruntaasi, waxaana xarunta laga saaray dadkii ku sugnaa si loo baaro.

Xildhibaanada Baarlamaanka Norwey iyo shaqaalaha kale ayaana lagu war-galiyay in aysan xarunta aysan soo gelin ayna jiraan khataro amni, waxaana xarunta aageeda buux dhaafiyay ciidamada ammaanka.

Ciidamada booliiska ayaana xiray aaga ay kutaallo xarunta Baralamaanka dalka Norwey, waxa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen baaritaano la xariira khatarta amni ee lasoo wariyay ee la xariira in bambaanooyin la dhigay xarunta.

Sargaal katirsan booliiska Norwey oo lagu magacaabo Gabriel Langfeldt, ayaa sheegay inay heleen fariin ku aadan khatar bam oo la dhigay dhismaha Baarlamaanka Norwey ee loo yaqaano The Storting.

Booliiska wali ma shaacin in babooyin ka heleen xarunta Baarlamaanka ee khatarta amni laga soo sheegay, waxa ayna xuseen booliiska in ay jireen labo cabsi-gelin oo la sameeyay kuwaa oo ka dhan ah Baarlamaanka Norwey.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Midowga Yurub iyo Masar Oo kala Saxiixday 8 Bilyan si loo Xakameeyo Socdaalka

Heemaaln

EU Oo Ergay Cusub u Magacowday Hawlgalka Tayeynta Midowga Yurub Ee Somaliya

Heemaaln

Midowga Yurub Oo War kasoo Saaray Xiisada Culus Ee Israel iyo Iran.

Heemaaln