Heemaal News Network

Midowga Yurub iyo Masar Oo kala Saxiixday 8 Bilyan si loo Xakameeyo Socdaalka

Midowga Yurub iyo Masar ayaa kala saxiixday heshiis ku kacaya €7.4bn ($8bn; £6.3bn) oo looga gol leeyahay in sare loogu qaado iskaashiga ganacsiga iyo amniga, iyo sidoo kale in la isku dayo in la joojiyo qulqulka muhaajiriinta Yurub.

Heshiisku wuxuu kor u qaadayaa xiriirka Midowga Yurub iyo Masar oo loo samaynayo iskaashi istiraatiiji ah.

Deeqaha, amaahda iyo lacagaha kale ayaa lagu wadaa in la keeno saddexda sano ee soo socota si loo taageero dhaqaalaha sii xumaanaya ee Masar.

Dhibaatada dhaqaale ee dalka ka jirta ayaa keentay in tirada sii kordheysa ee Masaarida ay isku dayaan inay u gudbaan Yurub, gaar ahaan Liibiya, tan iyo markii ay mas’uuliyiintu xireen waddada ka timaada waqooyiga xeebta Masar.

Masar waxay isku xilqaatay inay xakamayso socdaalka aan joogtada ahayn ee Yurub.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Norway Oo ku Dhawaaqday In Ciidankeeda Hubeynayso Ciidul Fidriga.

Heemaaln

Midowga Yurub Oo War kasoo Saaray Xiisada Culus Ee Israel iyo Iran.

Heemaaln

Digniino Weerarro Amni Oo ku Wajahan London Paris iyo Madrid Oo lasoo Saaray

Heemaaln