Heemaal News Network

Norway Oo ku Dhawaaqday In Ciidankeeda Hubeynayso Ciidul Fidriga.

Booliska Norway ayaa ku dhawaaqay in askarta heeganka ah ee dalka oo dhan la hubeeyo ilaa amar dambe.

Bayaan kasoo baxay ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay jawaab u tahay hanjabaadaha sii kordhaya ee ka dhanka ah Muslimiinta, xilli ay ku beegan tahay maalmaha Ciidul Fidriga ee todobaadka soo socda.

Waxa ay sheegtay in xilliyada ay dad badan u badan tahay in ay isugu yimaadaan ay ahaayeen bartilmaameedyo suurtagal ah oo weeraro argagixiso.

Dhaqan ahaan booliiska Norway, sida wadamada kale ee Scandinavianka, si joogta ah uma qaataan qoryaha ama hubka.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Raysal wasaaraha Ireland Oo si Deg-deg ah Xilka Uga Dagay.

Heemaaln

Xarunta Baarlamaanka Dalka Norwey Oo Khatar Amni loo Xiray iyo Baaritaano socda

Heemaaln

EU Oo Ergay Cusub u Magacowday Hawlgalka Tayeynta Midowga Yurub Ee Somaliya

Heemaaln