Heemaal News Network

Xasan Sheekh Iyo Amiirka Qadar Oo Tababar U soo Xiray Ciidamada Cirka Ee Labada Dal.(Sawiro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Amiirka dalka Qatar Amiir Tamiim Bin Xamad Al Thaanioo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, iyo weliba xaaladda gobolka Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dul istaagay iskaashiga iyo xiriirka taabbo-galka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar ayaa uga mahad celiyey Amiir Tamiim Binu Xamad Al Thaani iyo Xukumadda dalkaas go’aanka walaalnimada ah ee ay ku garab istaageen midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo safka hore kaga jira dalalka walaalaha ah ee mowqifka cad ka qaatay faro-gelinta Itoobiya ay ku sameysay gobanimada Soomaaliya.

Amiirka Dalka Qatar ayaa la wadaagay madaxweynaha taageerada iyo garab istaagga ay u hayaan dowladnimada, midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, isagoo tilmaamay khatarta ay leedahay in Geeska Afrika iyo Badda Cas laga abuuro degenaansho la’aan saameysa xasilloonida dalalka iyo wada noolaanshaha shucuubta Gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saddexdii toddobaad ee ugu dambeeyay waxaa uu ku guda jiray dadaalo diblomaasiyadeed oo lagu xaqiijinayo ilaalinta qaranimada dalka iyo in la adkeeyo amniga gobolka, kadib markii dowladda Ethiopia ay heshiis sharci darro ah la gashey maamulka Somaliland ee Waqooyiga Soomaaliya.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

“Waa Argagixisada Siyaasada Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani” Xoghaye Nagiib.

Heemaal

DOOD KULUL:-Maxaa ku Qarsoon Heshiiska Turkiga iyo Somaliya,Qeyla Dhaan weli taagan

Heemaaln

Dawladda Somaliya Oo Digniintii Ugu Danbaysay U Dirtay Xukuumada Madaxwayne Biixi.

Heemaaln