Heemaal News Network

Puntland:-“Wax ka Beddelka Dastuurka Wuxuu Khatar ku yahay Midnimada iyo Qaranimada Ummadda Somaliyeed”

Maamulka Puntland ayaa sheegay inuu si adag uga soo horjeedo, ugana digayo beddalidda Dastuurka KMG­ ka ah, si aan Soomaali heshiis ku ahayna meesha looga saaro mabaadi’da asaasiga ah iyo qaab dhismeedka Dowladnimada ee ku salaysan hannaanka Federaalka.

War saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in wax lala yaabo ay tahay, in beddelka dastuurka loo adeegsado heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaranka (NCC) iyadoo Puntland anysan qayb ka ahayn.

“Dowladda Puntland waxay nasiib darro weyn u aragtaa in Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka shaqeynayaan in meesha laga saaro Dastuurka KMG ee Federaalka, laguna beddalo Dastuur cusub oo laga dhex arko masaaliix gaar ah, khatarna ku ah midnimada iyo qaranimada Ummadda Soomaaliyeed sida ku cad Cutubka 1-aad, qodobadiisa 1-aad iyo 7-aad ee Dastuurka KMG-ka ah,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay madaxtooyada Puntland.

Puntland waxay sheegtay in Baarlamaanka Soomaaliya uusan awood iyo sharciyad midna u lahayn samaynta dastuur cusub.

Waxay Puntland sheegtay in aysan ku dhaqmidoonin wax ka beddel kaste oo lagu sameeyo dastuurka dalka.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Buuxinta kuraasta Banaan Ee Golaha Shacabka Somalia Oo Go’aan Laga soo Saaray.(Sawiro)

Heemaaln

R/Wasaare Xamse Oo Shaaciyay in Gacan Aamin ah ku jiro Dastuurka Baaq-na u diray Mucaaradka

Heemaaln

Gollaha Wakiiladda Somaliland Oo diiday in Xilka laga Qaado komishiner Cabdicasiis Xirsi Warsame..

Heemaaln