Heemaal News Network

Israaiil Oo Weerartay Saaka Lubnaan

Israa’iil ayaa duqeymo cirka ah ku qaadday Dooxada Bekaa ee bariga Lubnaan subaxnimadii Axadda, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters u sheegeen laba ka mid ah ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah oo Lubnaan ka tirsan, saacado yar ka dib markii kooxda hubaysan ee Xisbullah ay sheegtay in ay soo ridday diyaarad aan duuliye lahayn oo Israa’iil leedahay oo dul maraysay hawada Lubnaan.

Ilo-wareedyada ayaa sheegay in weerarka Israa’iil lala beegsaday xero tababar oo ay leeyihiin Xisbullah oo ku taalla tuulada Janta, oo u dhow xuduudda Suuriya.

Wararka ayaa sheegaya in mid ka mid ah duqeynta lala beegsaday deegaanka Safri oo ku dhow bariga magaalada Baalbeq, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Waali Cas: Natanyahu Oo Shiinaha Ka Dalbaday 40K Oo Taandho

Heemaal

Degdeg: Dagaalkii Iiraan Iyo Yuhuuda Oo Hadda Bilaabmay

Heemaal

Israel oo Duqeyn ku Dishay Wiilal Uu Dhalay Hogaamiyaha Xamaas Ismail Haniyah (Sawirro)

Heemaaln