Heemaal News Network

Madaxweynaha Iiraan Oo Booqday Turkiga Lana Kulmay Erdogan

Turkiga iyo Iran ayaa ku heshiiyey muhiimadda ay leedahay in laga fogaado tillaabooyin halis gelinaya ammaanka iyo xasilloonida gobolka, ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

“Waxaan ka wada hadalnay baahida loo qabo in la soo afjaro weerarrada bini’aadantinimada ka baxsan ee Israa’iil ay ku hayso Qaza, isla markaana aan qaadno tallaabooyin degdeg ah oo lagu dhisayo nabad waarta oo caddaalad ah,” ayuu Erdogan ku yiri Arbacadii shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen dhiggiisa Iiraan Ebrahim Raisi kaddib kulankoodii Ankara.

Isagoo ka hadlaya in Turkigu uu u diray in ka badan 30,000 oo tan oo gargaar bini’aadanimo Falastiiniyiin ah dekedda Al Arish ee waqooyi bari Masar, oo ay ku jiraan 26,000 tan oo bur ah, tan iyo 7-dii October, Erdogan wuxuu yiri, “Waxaan ku celinay taageeradayada qadiyadda xaqa ah ee Falastiin, waxaanan dib u xaqiijinay sida ay nooga go’an tahay sii wad wada-shaqeynta arrintan.”

Dhanka kale madaxweyanaha Iiraan oo ku booriyey in Turkigu xidhiidhaka u jaro Sahnuuniyadda, taas oo hadal wayn badan dhalisay.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Xoghayaha Guud ee QM Oo Cambaareeyey Fal ay ku kaceen Ciidamada Israel

Heemaaln

Weerar Ka Dhacay Urdun Oo Lagu Dilay Askar Maraykan Ah

Heemaal

Itoobiya Xukun Xabsiga ah ku Riday 41 Al-Shabaab-kii Sanad ka Hor Weeraray DDS.

Heemaaln