Heemaal News Network

Maxkamad Laashay In Trump Uu Leeyahay Xasaanadda Madaxweyne Hore Lana Mxkamadeyn karo.

Donald Trump ma haysto xasaanad madaxweyninimo, waxaana lagu dacweyn karaa eedeymo la xiriira inuu qorsheynayay inuu meesha ka saaro doorashada 2020, sida ay xukuntay maxkamad ku taal Mareykanka.

Trump ayaa ku andacoodey kiis sharciyeed oo taariikhi ah in uu ka badbaado eedeymaha dambiyada ah ee lagu soo oogay falal uu sheegay in ay ku dhaceen shaqadiisa madaxweynenimo, balse xukunka maanta ka dhacay Washington DC ayaa meesha ka saaray sheegashadaas.

Waxay dib u dhac ku tahay Trump oo sanado badan soo xiganayay xasaanadda madaxweynaha isagoo la dagaallamaya kiisas badan.

Madaxweynihii hore ayaa la filayaa in uu racfaan ka qaato xukunka, taasoo la micno ah in kiiska uu ugu dambeyntii u gudbi karo maxkamadda sare halkaasoo muxaafidku ay heystaan aqlabiyad 6-3 ah.

La taliyaha gaarka ah ee Mareykanka Jack Smith ayaa Trump oo 77 jir ah ku soo oogay dacwad ah in uu maleegayay in uu meesha ka saaray guushii Joe Biden ee doorashada 2020 iyo in uu sameeyay wax isdaba marin si uu xafiiska u sii joogo.

Maxkamadeynta kiiskaas ayaa markii hore loo qorsheeyay 4-ta Maarso, laakiin dib ayaa loo dhigay inta laga gaarayo go’aanka dacwadda xasaanadda.

Waxay dib u dhici kartaa toddobaadyo, haddii aysan bilo noqon, haddii kiisku ku dhammaanayo Maxkamadda Sare.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Oo Qaabilay Gudomiyaha Midowga Culimada Islaamka.(Sawiro)

Heemaaln

Nin Qirtay In Musharrax Guuldarraystay Uu Lacag ku Siiyay Toogashada Xubnaha Dimuqraadiga.

Heemaaln

Shan Bilood Mushahar maanu Qaadan Shaqaalaha Hospitalka Wajaale

Heemaaln