Heemaal News Network

Abiy Axmed Oo Muwaadiniinta Dalkiisa Ugu Baaqay Inay Bartaan Luqadda Carabiga

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ugu baaqay muwaadiniinta dalkiisa inay bartaan luqadda Carabiga, taas oo uu sheegay inuu dalban doono in lagu dhigo dugsiyada dowladda Itoobiya, isagoo dhanka kalena rajo ka muujiyay in Itoobiya ay ku biirto ururka Jaamacadda Carabta “maxaa yeelay way ka faa’iidi doontaa” ayuu yiri .

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa intii uu ku guda jiray kulan uu la qaatay madaxda Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka ee Itoobiya, wuxuu yiri, “In Muslimiinta Itoobiya laga dhigo, in ay yihiin muwaadiniin dabaqad labaad ah waa arrin duugoowday.” isagoo carrabka ku adkeeyay in dowladdiisu ay u aragto dhammaan dadka Itoobiyaanka ah in ay yihiin muwaadiniin leh xuquuq siman. iyo waajibaadka, iyada oon loo eegin diintooda.

Waxa uu sheegay in dowladiisa ay ku sii socoto wadadii dib u habeynta ee dowlad cilmaani ah, iyada oo diimaha oo dhan ay iskugu mid yihiin, isla markaana siinaysa xuquuqdooda,

Waxa uu tilmaamay in dowladiisu ay aqoonsan tahay Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka, isla markaana ogolaatay furitaanka. Bangiyada Islaamiga ah, iyagoo u tixgelinaya in ay tahay “xuquuq ay leeyihiin bulshada Muslimiinta ah ee Itoobiya, mana aha ibuu yiri nay noqoto in loogu mahadceliyo.”

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Dowladda Federaalka Oo Amartay in la Xiro Qunsuliyadaha Itoobiya Ee Garowe iyo Hargeysa

Heemaaln

Madaxwayne Cabdi Ilay Oo Xabsiga Adis-ababa Laga sii Daayay

Heemaaln

Dad Badan Oo loo Xir-xiray Dilka Siyaasi ka Tirsanaa Madaxda Mucaaradka Itoobiya.

Heemaaln