Heemaal News Network

Baabiinta Dhul-beereedka Dooxa Biji Waa Taabo Curyaaminaysa Hamigii Waxsoosaarka Ee Dalka

Dalag baxay, lagu tabcay, lana sugayo in la gurto baabiintoodu ma aha caqli iyo talo wanaagsan, ma aha talaabo u hiilinayso tacabka iyo hamiga wax soosaarka aan had iyo jeer ku baraarujino bulshada, mana aha talaabo hor seedaysa xasilooni amni iyo wadaniyad.

Waxa aan sidan u leeyahay waxa isa sootaraya talaabooyinka ay xukuumadu ku curyaaminayso waxsoosaarka, kuna baabiinayso dhulbeereed-yada dooxa Biji ee degmada Lugahay. Dooxaas oo ah mid meelaha faro ku tiriska ah ee biyaha leh kuna haboon beeraha iyo wax soosaarka.

Lama gabanayo oo waan dhaliilsanahay talaabooyinkan ay xukuumadu qaaday, sababta oo ah, waxa aan hore u soo ahaa Wasiirka Beeraha, waxa aan dareemi karaa baahida uu dalkeenu u qabo in dadka loo jiheeyo dhinaca dalaga iyo wax soo saarka beeraha si uu dalkeenu ula soo baxno cuno aan badhkeed quudano, badh-ka kalena ka ganacsano.

Mar kale waan dhaliilayaa talaaban oo aan u arko mid tacab qasaar ku ah muruqmaalka dalkeena ee ku dhiiraday inay wax-tabcadaan, kana maarmaan deeqaha shisheeye. Waxa ay talaabadan curyaaminaysaa hamigii waxsoosaarka, waxana ay beeralaydeenii ka dhigaysaa kuwo faraha ka laabta waxsoosaarka dalka.

Sidaas aawadeed, waxa aan Wasiirka Wasaarada Beeraha ugu baaqayaa in uu la yimaad siyaasad ka duwan tan Wasaarada Arimaha Gudaha ee lidka ku ah waxsoosaarka, kuna dhiirado in tacabka beeraha iyo beeralayda dalka uu garab istaago, kuna taageero sidii ay hormar uga samayn lahaayeen beeraha iyo waxsoosaarka.
Axmed Muumin Seed

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Xeebta Batalaale Oo Nibiri Dhal ah kusoo Ceeriday

Heemaaln

Telesom Oo Shahaadooyin Caalami ah (ISO) Lagu siiyay Nidaamyada Tayada Maamulka, Badqabka, Dhowrista Deegaanka iyo Amniga Xogta

Heemaaln

Liibaaxyo Qoladooda La Garanwaayay oo Hargeysa Ku Soo Duulay

Heemaaln