Booliiska Israa’iil ayaa xiray gabar la dhalatay hoggaamiyaha siyaasadda Xamaas, Ismaaciil Haniyeh.
Bayaan uu soo saaray booliiska Israa’iil ayaa lagu sheegay in haweeney 57 jir ah la xiray iyadoo looga shakiyay inay xiriir la leedahay kooxda xagjirka ah ee Xamaas, iyadoo deganeyd magaalada Tel Sheva ee koonfurta Israel.
Haweeneyda ayaa ka soo muuqan doonta maxkamadda galinka dambe ee Isniinta. Mr Haniyeh laftiisu wuxuu ku nool yahay caasimadda Qatar ee Dooxa.