Heemaal News Network

Buuxinta kuraasta Banaan Ee Golaha Shacabka Somalia Oo Go’aan Laga soo Saaray.(Sawiro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka 16-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka.

Ajandaha kulanka ayaa ahaa warbixinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Qaraarka Buuxinta Kuraasta ka Bannaan Golaha Shacabka.

Guddooomiye Sheekh Aadan Madoobe oo warbixin ka siiyay Xubnaha Guddiga Joogta ayaa la wadaagay xaalada guud ee dalka gaar ahaan shuruucda hortebinta u leh guud ahaan dalka iyo shacabka Soomaaliyeed ee horyaala Golaha.

Sidoo kale xubnaha Guddiga ayaa ka dooday isla-markaana ansixiyay Qaraarka Kuraasta ka Banaan Golaha Shacabka in la soo buuxiyo, si loo helo mataalada shacabka Soomaaliyeed.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

“Aan Wada-hadalno waa aan Heshiino,Marka Ansixinta Dastuurka Waxaa Uu ku Dhacay Wadahadal Bulsho”

Heemaaln

Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir “Heshiiskan waxaa Uu Meesha ka Saarayaa Dayacii Baddeena”.

Heemaaln

Puntland:-“Wax ka Beddelka Dastuurka Wuxuu Khatar ku yahay Midnimada iyo Qaranimada Ummadda Somaliyeed”

Heemaaln