Heemaal News Network

Ciidanka Xooga Dalka Oo Jabiyey Khawaariij Isku Soo Maqiiqday Saldhiga Caad

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar qaraxyo ku bilaabmay oo khawaariijtu saaka ku beegsadeen saldhig milatari oo ku yaala magaalada Caad, saldhigan oo horay looga qabsaday iyaga.

Dadka dagaanka ayaa sheegay in ay maqleen qaraxyo xoogan iyo rasaas, lamana oga khasaaraha dhabta ah ilaa hadda.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa looga hadlay weerarkan, waxaana lagu sheegay in ciidamadu ay ka hortageen weerarkaasi, ayna jabiyeen Al-Shabaab.

“Ciidanka Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ayaa saaka cashar lama iloobaan ah Khawaarijta ugu dhigay magaalada Caad oo ay isku dayeen inay ku soo qaadaan weerar” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada ay ka war hayeen weerarkaasi, isla-markaaana ay khasaare culus ku gaarsiiyeen xubnaha soo qaaday.

“Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha oo u diyaarsanaa dhagarta Cadowga ayaa dhabarka ka jabiyay qorshihii Khawaarijta” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Gobollada Dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgallo xoreyn ah oo ay ku dhinteen saraakiil sar sare oo ay kamid ahaayeen Cabdi Maxamed Suulnuug iyo Xasan Tuure oo labaduba kamid ahaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Ciidamo Ajaaniib Ah Oo Dawlada fadalaaku Qorshaynayso In Ay Keento Dalka

Heemaal

Sisi Iyo Afewerki Oo Isku Raacay In Ay Difaacaan Madaxbanaanida Soomaaliya

Heemaal

Farmaajo iyo Sheekh Shariif Oo Booqasho Xasaasi ah ku Tagaya Garowe

Heemaaln